Ciidamo cusub oo galabta lagu wareejiyay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar

Ciidamo cusub oo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa galabta si buuxda loogu wareejiyay amaanka xarunta Dowlada Hoose ee Xamar, waxaana halkaasi laga qaaday ciidamo kale oo ku sugnaa labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Ciidamo katirsan kuwa Xaslinta iyo ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada ayaa shalay iyo maanta ku sugnaa xarunta Dowlada hoose, waxa ayna ciidankaasi ay xayireen shaqadii ka socotay xaruntaasi.

Sida aan wararka ku helnay Ciidamo katirsan booliiska ayaa galabta la geeyay xarunta, waxa ayna ciidankan noqonayaan ciidamada gaarka ah ee loogu tala galay in ay ilaaliyaan xaruntaasi.

Xiisadii ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa soo dhamaatay kadib markii uu Taabit aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyay shaacana ka qaaday in uu xilka wareejinayo.

Waxaa suurto gal ah in beri oo Talaado ah dib u bilowday howlihii shaqo ee ka socday xarunta dowlada hoose ee Xamar, waxaana wali shaqaalaha xaruntaasi aan lagu wargalin ay soo shaqo tagaan.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa ayaa la filayaa in ay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda si howlaha shaqo ee maamulka horyaala halkeeda uga sii socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -